Sheekada Gabadhii Caqliga Badneyd iyo Boqorka Waxaa la sheegay in uu jiray boqor aad u kibir badan oo aan marnaba qof talo weydiisan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu dadka ugu yeeray oo ku yiri, “Qofkii caqli badan ha ii yimaado oo su’aashayda ha ka jawaabo.” Waxay dadka u tageen gabar caqli badan oo diinta yaqaanay oo ku nooleyd magaalada. Boqorkii ayaa ku yiri, “Haddii aad tahay qof caqli badan, bal ka jawaab su’aalahan: 1. Maxaa ka weyn aduunyada? 2. Maxaa ka culus buuraha? 3. Maxaa ka dhaqso badan dabaysha? 4. Maxaa ka dhakhso badan indhaha oo wax arka?” Gabadhii caqliga badneyd ayaa ku jawaabtay: 1. Waxaa ka weyn aduunyada Aakhiro, maxaa yeelay aduunyadu way dhammaanaysaa, laakiin aakhiro ma dhammaanayso. 2. Waxaa ka culus buuraha dambiga qofka gala, maxaa yeelay qofka dambiga gala culayskiisa ayaa Aakhiro lagu qaadi doonaa. 3. Waxaa ka dhaqso badan dabaysha Salaadda laga tago, maxaa yeelay waqtigeeda ayay dhaafaysaa haddii aan la tukan. 4. Waxaa ka dhakhso badan ind...
1. Ku sabir dulqaadka iyo dhibaatooyinka Wuxuu yiri: "Dhibaatooyinku waa tijaabooyin, dulqaadna waa furaha badbaadada." Tani waxay ku dhiirigelineysaa in la adkeysto marka ay dhibaato timaado, iyadoo la og yahay in guushu ka dambeyso sabirka. 2. Xushmeey asxaabtaada iyo macallimiintaada "Ruuxii aan aqoonta dadka u xishoon, wuxuu lumin doonaa barakada aqoonta." Xikmadani waxay ku saabsan tahay sida xushmadda macallimiinta iyo dadka cilmi leh ay u tahay dariiqa lagu gaaro barwaaqo iyo aqoon. 3. Isku kalsoonida nafta "Haddii aanad is sharfayn, cid kale oo ku sharafaysa ma heli doontid." Tani waxay muujinaysaa muhiimadda qofka uu ku kalsoonaado naftiisa, oo uu ka ilaaliyo wax kasta oo karaamadiisa dhaawacaya. 4. Saaxiibtinnimada wanaagsan "Haddii aad hesho saaxiib daacad ah, ha lumin; haddii kalena iska kaydso kelinimada." Wuxuu ku dhiirigelinayaa in la xusho asxaab wanaagsan, lagana fogaado dadka dhib u keenaya. 5. Waxbarashada iyo akhriska Imaam S...
Boqor kasta xilli buu ahaa ilma yar oo Oohin badan Dhisme kasta oo weyn xilli buu ahaa naqshad warqad ku qoran oo keliya Muhiim ma aha halka aad maanta joogto ama taagan tahay, Laakiin waxa muhim ah halka aad beri gaari doonto oo aad hiigsanayso
Comments
Post a Comment