
1. Asalka xaalka gabadha muslimadda ah waa: iney gurigeeda joogto. (وقرن في بيوتكن ولا تبرجن تبرج الجاهلية الأولى). 2. Haddey ku qasbanaato iney baxdo: ineysan soo bandhigin quruxdeeda oy soo xijaabato (ولا يبدين زينتهن). 3. Haddey soconeyso: in ay degen u socoto oo aaney lugaheeda dhawaaq sameyn. (ولا يضربن بأرجلهن ليعلم ما يخفين من زينتهن). 4. Haddey hadleyso: ineysan jijilcin codkeeda oy isa suura suureyn (فلاتخضعن بالقول فيطمع الذي في قلبه مرض وقلن قولا معروفا). Waa taa aadaabta gabadha uu qur'aankeena barayo gabdhaha muslimaatka ah. Intaa gabadhi sameysa waxay ka nabad galeysaa doqon walba oo qalbigiisa xumaan ku jirto oo dhib u geysan lahaa gabadhaa.